Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Ciidamada Itoobiya oo Lagasaarey Xeradii Maslax
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:851
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:350
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:770
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:1247
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:456
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Mar 19 2008
Ciidamada Itoobiya oo Lagasaarey Xeradii Maslax
Written by Ali Moallim   
Wednesday, 19 March 2008

Moqdishu, (insidesomalia.org) - Kadib dagaal socday muddo saacado ah ayaa Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa Xeradii Maslax ee Duleedka Suuqa Xoolaha waxaa lagala wareegay fariisin ay halkaas ku lahaayeen.

Xeradii Maslax oo ay in muddo ah ku sugnaayeen Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa haatan waxaa ku sugan Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo Joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya, iyadoo Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee halkaas ku sugnaana ay ku biireen Ciidamo kale oo Itoobiyaan ah oo ku sugan Xarunta Warshaddii Baastada.

Dagaalkii saaka ka bilowday Deegaanka Suuqa Xoolaha ayaa haatan waxaa lagu soo waramayaa in uu u soo wareegay dhinaca Xaafadda SOS iyo agagaaraha Xaruntii Warshadda Baastada, iyadoo Ciidamada Itoobiyaanka ah ee halkaas ku suganna ay Madaafiic ku duqeynayaan xaafadaha SOS, Waxar Cadde iyo Xaafadaha kale ee u dhow.

Khasaaraha ka dhashay Dagaalkii maanta ka dhacay Deegaanka Suuqa Xoolaha ayaa waxaa ku geeriyooday inta la xaqiijiyay 12 ruux oo isugu jiray dad Rayid ah iyo labadii ciidan oo dagalka udhaxeeye.

Xerada Maslax ayaa waxay ka mid ahayd fariisimo dhowr ah oo ay Ciidamada Itoobiyaankaa ay degeen wixii ka dambeeyay markii uu soo dhamaaday Dagaalkii ay dadka badan ku dhinteen ee Muqdisho ka dhacay Bilihii Maarso iyo April ee sanadkii nagatagey.

Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >